Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shil baabuur oo ka dhacay deegaan ka tirsan ismaamulka Nakuru ee dalka Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliska.
Shilkan oo u dhaxeeyay gaari nooca xamuulka qaada iyo gaadiidka nooca Mataatuuda loo yaqaan, ayaa si gaar ah kaga dhacday Mai Mahiu oo ka tirsan ismaamulka Nakuru, waxaana halkaasi ku dhintay ugu yaraan 10 xubnood oo Kenyaan ah, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa warbaahinta maxalliga ah ee Kenya, u sheegay in shilka uu yimid kadib markii gaariga xamuulka uu kaantaroolka lumiyay, taasi oo keentay in uu jiiro gaadiidka dadweynaha ee Mataatuuda loo yaqaan, gaarigan oo siday agabka dhismaha ayaa kasoo baxay magaalada caasimadda ah ee Nairobi, waxaana la sheegay in uu kusii jeeday magaalada Mai Mahiu.
Shilkan ayaa qayb ka ah shilalka gaadiidka ee ay dada badan ku dhinteen ee laga soo tabiyay ismaamullada dalka Kenya, sannad walba waxay hayadda Kenya u qaabilsan diiwaan gelinta kiisaska shilalka diiwaan gelisaa kumanaan kiisas dhimasho ah iyo dhaawaca kumannaan kale.