Inta la hubiyay ugu yaraan 40 qof oo abriyo Falastiiniyiin ah ayaa shahiiday, halka kuwa kale oo 60 ahna ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kaddib markii ciidamada gumeystaha Yahuuddu ay duqayn ka gaysteen Al-mawaasii oo dhacda marinka Gaza.
Difaaca madaniga ee Gaza, ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in weerarkaan xagga cirka ah sidoo kale lagu waayay qoysas badan oo reer Gaza ah, kuwaas oo la aaminsan yahay in duqayntu ku aastay bacaadka lagu beegsaday dadkan Abriyada ah.
Warbixinta uu soo saaray difaaca madaniga waxay intaa ku dartay in dadka rayidka ah ee Gaza ku dhaqan ay hadda wajahayaan mid ka mid ah xasuuqyadii ugu xooganaa tan iyo billowga dagaalka Yahuudda ee ka dhanka ah reer Gaza.
Yahuuddu waxay duqayntan ku andacootay inay ku beegsatay kooxaha wax iska caabinta, balse waa goob ay bilooyin ka hor ku tilmaamaysay meel nabdoon ay u barakici karaan dadka rayidka ah ee reer Gaza.