Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 11 qof ayaa dhintay, halka kuwa kalena ay dhaawacyo soo gaareen ka dib markii gaari shidaal sida uu shil ku galay waddo ku dhow magaalada Kampala ee caasimadda u ah dalka Yugaandha.
Saraakiisha boolisku waxay sheegeen in gaariga booyadda ee shidaalka siday uu rogmaday, intaas ka dib na uu qarax xooggan sameeyay xilli uu marayay duleedka magaalada, Afhayeenka booliiska ninka lagu magacaabo Patrick Onyango ayaa sheegay in goobta uu ku daatay dhamaan shidaalka kasoo dareeray gaariga rogmaday.
Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinayay dadka Yugaandheeska ah oo iskudayey inay shidaalka ka boobaan booyadda rogmatay balse uu saameeyay qaraxa ay sameysay booyadda shidaalka, waxayna tani kusoo beegmaysaa xilli isbuucii lasoo dhaafay dhacdo la mida oo ka dhacday Nigeria ay ku dhinteen in ka badan 150 qof, oo ay carruuri ku jiraan.
Dadka Afrikaanta ah ayaa la arkaa iyaga oo usoo carara goobaha ay ka dhacaan shidalalka gaadiidka, si gaar ah ugu rogmadaan baabuurta shidaalka sida, si ay u boobaan kaddibna ganacsi uga sii sameeyaan shidaalka ay dhacaan, balse waxaa inta badan dhacda in khasaare laxaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaro.