Dagaal culus oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka murtadiinta ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Beerxaani iyo Janaa-cabdalle ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee wilaayada Jubbada hoose.
Saraakiisha ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo Al-andalus la hadlay waxay xaqiijiyeen in Allaah fadligiis dagaalladii dhacay si wayn loogu jabiyay maleeshiyaadka Riddada, ilaa 13 murtadiin ahna lagu dilay, 9 qori iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ahna ciidamada mujaahidiintu qaniimeysteen.
Dagaalladan maanta ka dhacay Jubbada hoose ee Riddada lagu jabiyay ayaa kusoo beegmaya, xilli howlgal qarax ah oo maanta ka dhacay duleedka deegaanka Qaycad oo lala eegtay maleeshiyaadka murtadiinta lagu dilay ugu yaraan hal askari oo murtad ah.