Wararka ka imaanaya waddanka Burkiina Faaso ee dhaca galbedka qaaradda Africa ayaa sheegaya in weeraro hubeysan oo dhiig badan uu ku daatay ay rag jihaadiyiin ah ka fuliyeen, Deegaanno dhaca waqooyiga waddankaasi.
Wakaaladda wararka Faransiiska oo soo xiganayso ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa sheegtay in weeraradu ay beegsadeen maleeshiyaad ku xiran dowladda ka jirta Burkiina Faaso ee dabadhilifka ah oo u howlgala qaab macawiisley ah.
Inta la hubiyay ugu yaraan 8 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka macawiisleyda ah ayaa lagu dilay weerar hubeeysan oo maanta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Saafi oo mandiqad ahaan dhaca gobolka bartamaha waqooyiga Burkiina faaso, Sida laga soo xigtay ilo wareedyo amni ah oo deegaan ah.
“Kooxo hubeysan ayaa subaxnimadii hore ee maanta weerar ku qaaday tuulada Safi bartamaha gobolka waqooyiga, Waxaana weerarkaa lala beegsaday mutadawiciinta difaaca dalka, Kuwaas oo ku waayay 8 ka mid ah xubnahooda kuwa kalana waa ay ku dhaawaceen”, Waxaa sidaas laga soo xigtay ilo wareedyo amni.
Sidoo kale weerar ka dhacay Buurkina faaso ayay kooxaha jihaadiyiinta ah ku dilen 7 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka ku xiran dowladda dabadhilifka ah ee Burkiina Faaso sida lagu sheegay ilo wareedyada.
Ilo wareedyadu waxay intaasi kusii dareen in weeraradan sidoo kale lagu soo furtay hub iyo gaadiid millatari, Oo ay wateen maleeshiyaadka macawiisleeyda ee ku xiran dowladda Burkiina faaso, Kuwaas u gacan galay Jihaadiyiinta jamaacada u gargaaridda islaamka iyo muslimiinta.