Waxaa sii kordhaya khasaaraha maamul gobaleedka isku magacaabay galmudug lagu gaarsiiyay weerar cag marin ah oo saaka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay kula jarmaadeen deegaanka Camaara ee gobalka Mudug.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Camaara waxeyna maleeshiyaatkii murtadiinta ee ku sugnaa deegaanka ay noqdeen askar goobta lagu xasuuqay iyo tiro carartay.
Mujaahidiintu waxey ganiimeysteen 14 gaari oo ah noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka. Waxaa xusid mudan in maleeshiyaatka Galmudug kaliya saaka ay la baxsadeen labo gaari oo kaliya.
Xad malahan askarta ridada ee lagu laayay weerarka iqtixaamka ah ee ka dhacay deegaanka Camaara ee bartamaha dalka soomaaliya.
Sidoo kale weerarka barakeysan ee lagu daahfuray camaliyadda istish-haadiyada ee saaka mujaahidiintu ku qaadeen deegaanka Camaara waxa uu markii dambe kusii fiday deegaanka Bacaadweyn waxeyna ugu dambeyntii mujaahidiintu si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta labadaas deegaan.
Calamada.com