Inta la hubo ugu yaraan 17 qof oo ay ku jiraan 15 haween ah ayaa lagu dilay ilaa 2 toogasho oo ka dhacay magaalo miyi ah oo ku taal waddanka Koonfur Afrika, sida ay soo wariyeen saraakiil booliiska ka tirsan.
Toogashada koowaad ayaa ka dhacday magaalada Lusikisiki ee ka tirsan gobolka Eastern Cape, Muuqaal ay soo bandhigeen ciidamada Booliska ayaa muujinaayay toogasho ka dhacday labo guri oo ku yiillay miyiga duleedka magaaladaasi.
Ilo wareedyo dhanka Booliska ah oo uu soo xiganayo wargayska The Guardian ayaa xaqiiiyay in 12 xubnood oo dumar ah iyo 1 nin lagu dilay hal guri, halka toogashada guriga kalena lagu dilay saddex dumar ah iyo hal nin.
Taliska Booliska oo aan bixin faahfaahin ku aaddan sababta keentay beegsiga 17-ka xubnood lagu dilay ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno ku aaddan dhacdadaasi, sidoo kalena ay ku daba jiraan weeraryahannada dilalka gaystay.
Koonfur Afrika ayaa ka mid ah wadamada ugu badan ee dilalka ka dhaca caalamka, waxaana sanadihii u dambeeyay ku soo badanayay dilalka kala duwan ee loo geysto dadka rayidka ah, kuwaasoo mararka qaarkood lala beegsado dadka guryahooda ku sugan.
Dadka Soomaaliyeed ayaa ka mid ah dadka lagu dilo dalka South Africa, saacadihii u dambeeyay ayay ahayd markii burcad Koonfur Afrikaan ah oo mindi ku hubeysan ay bartamaha waddo kutaal magaalada Johannesburg ku dileen qof Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdullahi Dahir.