Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa si horudhac ah u xaqiijiyay in maleeshiyaadka Riddada ee lagu dilay weerarkaasi barakaysan ee ka dhacay deegaanka Daaru-nicma iyo kamaa’inta ka dambeysey ee ka dhacay duleedka Aadan-yabaal ay yihiin 21 murtadiin ah.
Taliska ciidamada, ayaa sheegay in khasaaruhu uu intaas ka badan karo, maadaama uu socdo baacsiga ay ciidamada mujaahidiintu ku hayaan maleeshiyaadka murtadiinta ee habqanka ah oo ku firxatay dhulka duurka ah, toogashana ay ku hayaan.
Dhanka kale, taliska ciidanka ayaa Andalus u xaqiijiyay inay jiraan maxaabiis laga qabtay maleeshiyadii murtadiinta ee saaka lagu weeraray deegaanka Daaru-nicma, kuwaas oo hadda ku jira gacanta mujaahidiinta.
Halkan Ka Dhagayso Faahfaahinta Khasaaraha Horudhaca Ah.