Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 21 qof ayaa ku shahiiday, halka inka badan 30 kalena ay ku dhaawacmeen ka gadaal shil xooggan oo maanta ka dhacay waddo mashquul badan oo kutaal koonfurta dalka Afghanistan, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo deegaanka ah.
Shilkan ayaa si gaar ah uga dhacay meel u dhow degmada Greshak ee ka tirsan wilaayada Helmand ee dhacda koonfurta Afghanistan, ilo wareed ku sugan wilaayadaasi, ayaa soo wariyay in shilkaasi uu yimid, kaddib markii ay isku dhaceen bas rakaab ah iyo booyad gaas ah iyo mooto nooca dhugdhugleyda ah.
Isku dhaca gaadiidkan, ayaa sababay inuu dab qabsado gaadiidka, shilkan ayaana si gaar ah uga dhacay jidka dheer ee isku xira wilaayaadka Heraat iyo Qandahaar.
Maamulka deegaanka ayaa xaqiijiyay in 11 qof ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, halka 27 kalena ay soo gaareen dhaawacyo fudud, kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaadka, si halkaas loogu daweeyo.