Weerar isugu jira labo kamiin iyo qarax ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidanka dowladda Kenya kuwaasi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Lamu ee gudaha dalka Kenya.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey kamiin u dhigeen askar ka tirsan saliibiyiinta kenay oo ku socdaalayay duleedka tuulada maangaay waxeyna ku dileen labo askari oo kenyaati waxaana kamiinka kadib tuulada kasoo baxay askar gurmad ah oo wadatay labo gaari oo cabdi bile ah.
Kolanyada gurmadka ah ayaa la kulmay kamiin kale iyo qarax waxeyna shabaabul Mujaahidiin weerarka dambe ku gubeen hal gaari oo cabdi bile ah waxeyna ku dileen 22 askari oo saliibiyiinta kenya ah.
Weerarkan lagu dilay 22-ka askari ee kenyaatiga ah waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ay ka fulinayaan gobalka Lamu ee gudaha dalka Kenya.
Calamada.com