Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya camaliyad istish-haadi ah oo galabta ciidamada mujaahidiinta oo kaashanaya Allaah subxaanahu watacaalaa ay ka fuliyeen Isgoyska Cali kamiin ee Muqdisho, halkaas oo lagu beegsaday isbaaro u tiillay maleeshiyaad murtadiin ah oo isugu jirta kuwa sirdoonka Ridada NISA iyo kuwa loogu yeero Boolis Militaaro.
Goobta isbaarada ah ee ay mujaahidiintu camaliyadda istish-haadiga ah la beegsadeen waxaa lasoo wariyay inay ku sugnaayeen maleeshiyaad murtadiin ah oo lagu qiyaasay konton xubnood, waxaana Allaah fadligiiis la xaqiijiyay in lagu dilay 19 askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu waxay Andalus u xaqiijiyeen in camaliyaddaasi barakaysan ay ku burburtay 2 gaari oo nooca Tiknikada loo yaqaan ah oo maleeshiyaadka sirdoonka Riddada iyo kuwa loogu yeero Boolis militaaro halkaas u yiillay, waana mid ka mida howlgallada fariidka ah ee ay mujaahidiintu ku beegsanayaan maleeshiyaadka iyo madaxda murtadiinta ee saliibiyiinta duullaanka ah ku garab siinaya dagaalka ka dhanka ah diinta islaamka iyo dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.