Faahfaahinno dheeraada ayaa kasoo baxaya howlgalkii madaafiicda ee ciidanka guutada madaafiicda mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen xarunta madaxtooyada kooxda Riddada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, halkaas oo Allaah fadligiis lagu dilay saddex askari oo ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee madaxtooyada.
Sidoo kale waxay mujaahidiintu howlgalkan gaarka ah ee madaafiicda ku dhaawaceen 2 askari oo iyagana ka mid ah ilaalada gaarka ee madaxtooyada kooxda Riddada, howlgalkaasi ayaana Allaah fadligiis u dhacay sidii ay ciidamada mujaahidiintu u qorsheeyeen.
Dhanka kale, qaraxyo gaarayey ilaa 2 qarax oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye, gaar ahaan xaafadda Buula-fooliyo ayaa lala beegsaday maleeshiyaad iyo saraakiil murtadiin ah oo ku sugnaa fariisin ay halkaasi ku leeyihiin, waxaana qaraxyadaasi dhaawacyo culus ku noqday shan askari oo murtadiin ah oo uu ku jiro taliyaha maleeshiyaadka Riddada ee xerada Buula-fooliya ee degmada Afgooye ,kaasoo uu soo gaaray dhaawac garaab ah.
Dhanka degmada Qoryooley, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku mireen saldhigga ciidamada saliibiyiinta Yugaandha ay kaga suganyihiin degmadaas, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.