Ugu yaraan 3 caruur ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo uu kula qarxay haraadiga madfac ay horay magaaladaasi ugu soo rideen maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland.
Caruurta saddexda ah oo wada dhashay ayaa la xaqiijiyay in mid ka mid ahi oo la oran jiray Cawil Axmed Faarax oo 15 sano jir ah uu ku dhintay qaraxa ka dhashay madfaca, halka labada kale oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Axmed Faarax oo 14 sano jir ah iyo Cadnaan Axmed Faarax oo 13 sano jir ah ay ku dhaawacmeen.
Labada caruurta ah ee dhaawacyada qaba ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ah oo warbaahinta la hadlay, waxayna tani qayb ka tahay khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray madaafiicdii ay Laascaanood ku garaaci jireen maleeshiyaadka maamulka Riddada ah ee Somaliland.