Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil xooggan oo ka dhacay xaafadda islii ee magaalada caasimadda u ah Kenya ee Nairobi, kaas oo ka dhashay qarax ay samaysay haanta gaaska ah ee cuntada lagu karsado.
Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay waddada 12-aad ee xaafadda Islii ee Nairobi, waxaana la xaqiijiyay in dabka oo si gaar ah u qabsaday dhisme ay dad deganaayeen uu sababay dhimashada hal qof oo haweenay ah, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 3 kale.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sidoo kale soo sheegay in shilkan dabka ah uu sidoo kale burbur xooggan u gaystay dhismaha guriga uu dabkaasi ka kacay, waxa uuna shilkan ka dhacay caasimadda Kenya qayb ka yahay shilalka inta badan laga soo tabiyo magaalooyinka waddankaas.