Dooni ay saarnaayeen Rakaab Kenyaan ah oo aad u fara badan ayaa ku qalibmatay deegaanka Watamu oo ka tirsan ismaamulka Kilifi oo ka mid ah ismaamullada Kenya ee ku teedsan xeebta.
Inta la ogyahay ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay shilkan dhanka biyaha ah ee laga soo tabiyay Ismaamulka Kilifi sida uu shaaciyay maamulka dowladda hoose ee Kilifi ee dowladda saliibiyadda ah ee Kenya.
Doonida qalibmatay waxaa la socday rakaab aad u fara badan oo lagu qiyaasay 28 qof xisaabtaas oo aad uga badan rakaabkii loogu talagalay inay raacaan doonida, taas oo keentay inay degato doonida.
Saraakiisha ciidanka booliska saliibiyiinta Kenya ayaa sheegay inay ku guda jiraan samatabixinta xaaladda, dhacdadan ayaana ka mid noqonaysa dhacdooyinka laga soo tabiyo gudaha dalka Kenya, ee la xiriisa shilalka dhanka ah biyaah ah.
1-dii bishan January ayay ahayd markii shil kan la mid ah laga soo tabiyay ismaamulka Busia ee waddankaasi Kenya ka dib markii dooni ay la socdeen arday Kenyan ah ay ku quustay xeebta deegaanka Budalangi ee ismaamulkaas Busia, halkaas oo ay ku dhinteen 3 qof oo Kenyaan ah