Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo dhowr jeer lagu jabiyay maleeshiyaadka Riddada oo maanta ka dhacay koonfurta wilaayada Mudug ee dhacda bartamaha dalkeena Soomaaliya.
Dagaallada oo ahaa kuwa dhowr jeer lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta ayaa inta la xaqiijiyay waxay Allaah fadligii Mujaahidiintu ku dileen 10 askari oo murtadiin ah halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen 15 kale oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii lagula dagaallamay duleedka deegaanka Qeycad.
Ciidamada Mujaahidiintu waxay maalmihii lasoo dhaafay dagaallo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay ciidamo huwan ah ka wadeen deegaannada dhaca koonfurta wilaayada Mudug, ka dib markii ay murtadiinta oo dhanka hawada sare ay ka taageerayaan diyaaradaha saliibiyiinta ay sameeyeen isku dayo ay ku doonayeen inay ku weerareen deegaanka Qaycad, balse ciidamada Mujaahidiinta ayaa ka hor tagay gulufka ka dhanka ah shareecada islaamka isla markaana jabiyay huwantii isu soo bahaysatay dagaalka ka dhanka ah diinta islaamka.