Inta la hubiyay 36 qof ayaa dhintay halka in ka badan 50 kalena ay ku dhaawacmeen weeraro dhanka cirka ah oo ay diyaaradaha Yahuuddu ka fuliyeen magaalada Tadmur ee dhacda bartamaha dalka Suuriya.
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda gaashaandhiga ee Suuriya ayaa sheegay in ciidamada Yahuuddu weerar dhinaca cirka ah oo ballaaran ah kusoo qaadeen aagga Al-Tanf, halkaasoo bartilmaameedsaday dhismayaal ku yaalla magaalada Tadmur ee dhacda bartamaha Suuriya.
Wazaaradda difaacu waxay sidoo kale sheegtay dhimashada 36 qof iyo dhaawaca inka badan 50 xubnood oo kale, sidoo kale burbur xooggan ayaa soo gaaray dhismayaasha la beegsaday iyo sidoo kale deegaanka ku dhow.
Diyaaradaha dagaalka maamulka sahyuuniyadda ayaa maalmihii lasoo dhaafay fuliyay duqaymo bahalnimo ah, kuwaas oo uu ku beegsanayay dhismeyaal dadweyne.