Ugu yaraan 4 qof oo ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa dhintay kaddib markii diyaarad nooca kuwa qumaatiga u kaca oo ay la socdeen ay kula burburtay haro kutaal North Slope oo ka tirsan gobolka Alaska ee dalka Maraykanka.
Wazaaradda waxay ugu yeeraan khayraadka Dabiiciga ah ee fadhigeedu yahay Alaska ayaa sheegtay, in diyaaraddaasi oo ahayd Helicopter ay u kireysnayd wazaaradda, tirada dadka la socday ayay saddex ka mid ah ku sheegtay inay ka tirsanaayeen shaqaalaha waaxda sahanka jiyoolajiga ama barashada dhulka, halka qofka arafaadna uu ahaa duuliyaha, waxayna shilkaas galeen xilli ay howlo shaqo ku jireen, sida uu lagu sheegay warbixinta wazaaradda.
Diyaaradan burburtay oo nooceedu ahaa Bell 206, ayaa la sheegay inay kasoo dib dhacday xilligii la filayay, waxayna taasi keentay in kooxaha samatabbixinta ay bilaabaan howlgallo baaritaano ah, illaa ugu dambayn ay diyaaraddaas ka helaan harada.
Maraykanka waxaa caadi ka ah shilalka diyaaradeed iyo kuwa gaadiidka ah, kuwaas oo sannadkii gallaafta nolasha dad badan oo Ameerikaan ah.