Inta la hubiyay ugu yaraan 10 qof oo sahaayino ah ayaa dhimatay, halka kuwa kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kaddib weerar dhanka cirka ah oo lagu beegsaday deegaan Yahuuddu xoog ku haysato oo dhaca buuraha Juulaan ee Suuriya.
Gantaalka oo ka yimid dhanka koonfurta Lubnaan ayaa ku dhacay magaalada Majdal Shams oo ku taal woqooyiga Juulaan ee gumeysiga Yahuuddu ku hoos jirta, warbaahinta maamulka gumeystuhu waxay sheegtay in 10 qof ay ku dhinteen weerarkaasi.
Gurmadka deg degga ah ee maamulka Yahuudda ayaa dhankiisa sheegay in 30 qof oo dhaawac ah oo ay ku jiraan 7 xaaladood oo halis ah ay kasoo daabuleen goobta weerarku ka dhacay, Yadiicoot Axronoot oo ah wargays Yahuuddu leedahay ayaa dhankiisa sheegay in dhaawacyadu yihiin kuwa halis ah.
Ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah ee ka howlgala aagga uu gantaalku ka yimid ee koonfurta dalka Lubnaan ayaa war uu soo saaray ku beeniyay inay ku lug leeyihiin weerarkaan ka dhacay magaalada Majdal Shams oo ku taal woqooyiga Juulaan ee Suuriya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Yahuuda oo hadlay ayaa dhankiisa ku eedeeyay weerarka inay ka dambayso shiicada Lubnaan, isagoo sheegay in in ururka shiiciga u ka gudubay waxa uu ku tilmaamay khadadka cas, isagoo yiri “Waxaana nagu soo fool leh dagaal baaxad leh oo aan kula jirno Xisbullah.”.