Weerar gaari jiirsiin ah oo khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidamada maamulka Yahuudda ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta sirdoonka Yahuudda dibadda ee Muusaadka loo yaqaan, halkaas oo Falastiini ku qalabaysan gaari nooca xamuulka ah ku jiirsiiyay dad badan oo sahaayino ah.
Warbaahinta maamulka Sahaayinadu waxay sheegtay in tobannaan qof oo sahyuuniyiin ah ay ku dhaawacmeen howlgalkan barakaysan, badankoodna ay yihiin ciidamo ka tirsan sahyuuniyadda, kaddib markii gaari xamuul ah lagu dhuftay goob baska laga raaco oo ay joogeen tiro badan oo askar Yahuud ah, kuna taal waqooyiga Tal-abiib.
Weeraryahanka ayaa Allaah fadligiis beegsaday halka ay ku badnaayeen ciidamada sahaayinada, waxayna taasi keentay in khasaare culus uu soo gaaro ciidanka gumeystaha, dadka badan ee ku dhaawacmay howlgalka ayaa ahaa ciidanka gumeystaha.
Dhimashada inta la hubiyay waa ugu yaraan 5 askari oo Sahaayino ah, halka dhaawacyadana ay ka badanyihiin 45 xubnood oo sahyuuniyiin ah, una badan ciidanka Yahuudda.
Weerarka ayaa si gaar ah kaga dhacay isgoyska Ghlilot, ee dhaca waqooyiga magaalada Tal-abiib, si gaar ahna ugu dhow saldhig ciidan oo ay halkaasi ku leeyihiin xarumaha sirdoonka Mossad iyo Shabak ee Yahuudda u kala qaabilsan sirdoonka gudaha iyo midka Dibadda.