Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, ayaa lagu faahfaahiyay howlgalki cagmarinta ahaa ee ay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen saldhigyada murtadiinta ee degmada Ceel-dheer ee bariga wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud.
Taliska ciidamada, ayaa sheegay in la beegsaday ilaa afar saldhig oo kuyaal gudaha iyo duleedka degmada Ceeldheer halkaas oo ay ku sugnaayeen inka badan 1,200 oo askari, kuwaas oo 2 urur oo ka mid ah ay ahaayeen ciidamadii Riddada ee lagu soo tababaray dalka Masar, hal urur waa ciidamada uu Turkigu tababaray ee loogu yeero Gorgor, halka ururka afaraad uu ahaa ciidamo qaab ashaamud ah oo iskugu jira kuwa qaab beeleed loo soo aruuriyay iyo waxa loogu yeero macawiisleey.
Taliska ciidanka ayaa sheegay in dhimashada hordhaca ah ee maleeshiyaadka murtadiinta la gaarsiiyay ay tahay 59 murtad, kuwaas oo lagu dilay weerarada iyo dhaawacyo intaas ka badan, murtadiinta goobta dagaalka lagu dilay waxaa ka mid ah laba sarkaal oo muhiim u ahaa dagaalka ashahaada la dirirka ah ee ay saliibiyiintu ka wadaan Somalia, kuwaas oo ay rasaasta mujaahidiintu wadnaha goysay.
Maxaabiis murtadiin ah ayuu sidoo kale taliska ciidanka sheegay in lagu qabtay howlgalka cagmarinta ee ay ciidanka mujaahidiintu ku qaadeen saldhigyada murtadiinta ee degmada Ceel-dheer ee bariga wilaayada Galgaduud, kuwaas oo hadda gacanta ugu jira ciidanka mujaahidiinta.