Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ay ku qaadeen saldhigga ciidamada nasaarada xabashida Itoobiya ee Airport-ka degmada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Khasaaraha dhimasho ee ciidamada saliibiyiinta Itoobiya kasoo gaaray weerarkaasi ayaa gaaray 6 askari, halka dhaawacana uu gaaray 7 kale oo isla Itoobiyaanka ka tirsan.
Sidoo kale waxay warar hoose oo aan helnay ay xaqiijinayaan in askar Booliis ah oo Kuffaarta Afrikaanta ka tirsan oo xilliga weerarku dhacayay ku sugnaa saldhiggaasi ay ku halaagsameen dagaalkaas.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu madaafic culus ku garaaceen xerada ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ee degmada Xudur, faahfaahin rasmi ah lagama helin weerarkaasi duqaynta ah.
Dhanka soohdin beenaaadka, howlgal qarax ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin maanta ka fuliyeen inta u dhaxaysa magaalooyinka Mandheera iyo Baladxaawo ayaa lala eegtay saldhig ciidamada kuffaarta Kenya ay ku leeyihiin halkaasi, khasaare saliibiyiinta gaaray ayaana jira.