Toogasho hubeysan oo ka dhacday gudaha waddanka Masar ayaa lagu beegsaday dalxiiseyaal u dhashay Yahuudda, halkaas oo lagu dilay laguna dhaawacay tobaneeyo qof oo Yahuud ah.
Toogashada oo ka dhacday magaalada Al-iskandariyah ayaa lagu beegsaday gaari ay ka buuxeen dad Yahuud ah oo dalxiis ahaan u joogay Masar, askari ka tirsan ciidanka booliska Masar ayaa la xaqiijiyay in uu marka hore joojiyay gaarigaas, kaddibna uu rassaas fara badan ku shanaqay gaariga, taasi oo keentay inay goobta ku dhintaan ugu yaraan 6 Yahuud ah, kuna dhaawacmaan kuwa kale.
Dhanka kale waxaa sii kordhaya khasaaraha lixaadka leh ee ka dhashay dagaallada ka socda deegaannada xoogga lagu dajiyay Yahuudda, kaasi oo maanta galay maalintiisii labaad oo xiriir ah, khasaare lixaad leh oo isugu jira dhimashi dhaawac iyo burbur hantiyeed ayaana lasoo wariyay.
Warbaahinta rasmiga ah ee Yahuudda ayaa xaqiijisay in khasaaraha dhimasho uu gaaray 600 oo Yahuud ah, halka dadka dhaawacyada qaba ee Yahuudda ay kor u dhaafeen 2000 oo qof, ku dhawaad 100 kalena ay nolol iyo geeri ku la’yihiin,