Sare u kac xooggan ayaa la sheegaya in uu sameeyay cudurka daacuunka ee ka dillaacay Soomaaliya, xilli tirada dadka uu soo ritay ay kor u dhaafayso shan kun oo xubnood, halka dadka cudurkaasi u dhintayna ay gaareen 60 xubnood.
Urur gaaleedka qaramada midoobay u qaabilsan waxay ugu yeeraan caafimaadka adduunka ayaa sheegay in 5,000 oo xaaladood oo cusub laga soo diiwaan geliyay Somalia, saddexdii bilood ee la soo dhaafay.
Warbixinta waxaa soo saartay hayadda lagu magacaabo UNICEF ee ururka gaalada midowday u qaabilsan carruurta, waxay na sheegtay in xaaladda ay tahay mid halis ah.
Qoraalka kasoo baxay hayad gaaleedka ayaa lagu sheegay in xanuunkan uu si gaar ah u saameeyay haweenka iyo caruurta, kiisaska ayaa lagu sheegay 51 boqolkiiba ay dumar yihiin, halka carruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ay iyagana yihiin 59 boqolkiiba kiisaska la diiwaan geliyay.
Warbixintan waxaa sidoo kale lagu sheegay in 62 boqolkiiba kiisaska lasoo diiwaan geliyay ay yihiin kuwa aad u daran, taas oo uu sheegay inay muujinayso xaddiga uu ku socdo xanuunka iyo sida xowliga ah ee uu ku faafayo.