Qarax culus oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa ka dhacay degmada Buurhakabo ee gobalka Baay’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan qaraxaasi.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay goob ay ku qayilayeen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Buurhakabo.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay afar askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada tiro kalane ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.
Qaraxan ayaa imaanaya xilli saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ku dhaawacmeen qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Calamada.com