Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in Lixdan iyo Afar isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka daba dhilifka fadhigiisu yahay magaalada Kaabul dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen weeraro kala duwan oo ka dhacay gobalada Balakh iyo Jowzjan.
Wilaayada Balakh waxey werarada ka kala dhaceen deegaanada Bandi Lugman Iyo Jashmah oo wada hoostaga degmada Albaraz ee gobalka Balakh.
Weeraradan oo ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan waxaa lagu dilay 20 Xubnood oo ay ku jiraan labo sarkaal oo waaeyn kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Xadharat Shaah iyo Xakiim oo ka wada tirsanaay saraakiisha maleeshiyaatka maamulka Kaabul.
Sidoo kale dagaaladaasi waxaa lagu dhaawacay 13 askari oo maamulka Ridada ah waxaana lagu gubay mid ka mid ah gaadiidka Gaashaman ee maamulka daba dhilifka dalka Afghanistan.
Dhanka Wilaayada Jowzjan waxaa weerar culus oo ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ku qaadeen saldhigyo maamulka Kaabul ee u adeega dowlada Nasaarada Mareykanka ay ka sameysteen deegaanka Magal ee degmada Darzan waxaa lagu dilay 12 Xubnood oo uu ku jira sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Daahir Baadshaah waxaa sidoo kale lagu dhaawacay weerarkaasi Lix Askari.
Mujaahidiinta ayaa nolasha ku qabtay Afar askari oo ka tirsan maamulka Ridada Afghanistan waxeyna sidoo kale Mujaahidiinta la wareegeen saldhigyadii ay weerarka ku qaaden iyagoona gacanta ku dhigay Hub fara badan.
Calamada.com