Khasaare laxaad leh oo isugu jira dhimasho dhaawac iyo burbur, ayaa ka dhashay shil xooggan oo maanta ka dhacay qaybo ka mid ah ismaamulka Nakuru ee dalka Kenya.
Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya waxay sheegtay in shilka oo ka dhacay waddada weyn ee ee xiriira Nakuru iyo Eldoret ay ku dhinteen ugu yaraan 13 qof, halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 55 kale.
Shilka baabuur ayaa yimid markii uu gaari Bus ah oo kusii jeeday dhanka magaalada Mombasa, ku dhacay gaadiid kale oo waddada marayay, taasi oo keentay khasaaraha laxaadka leh ee shilka ka dhashay.
Wargayska The Star ee kasoo baxa Kenya kana mid ah warbaahinta tabinaysay dhacdadaan, ayaa sheegay 13-ka xubnood ee dhintay, ay shan ka mid ah ahaayen dumar, 7 ka mid ahna ahaayeen rag halka midka 13-aad na uu ahaa ilmo yar.
Dhimashada shilka ka dhalatay ayaa sare u kacday kaddib markii dad badan laga soo saaray burburka gaadiidkii shilka galay, dhaawacyada oo gaarayay ilaa 55 ruux ayaa la dhigay isbitaallada kala duwan ee kuyaal aagga uu shilku ka dhacay.