Maleeshiyaad gaarayey ku dhawaad 70 askari oo sitay hub kala duwan, kuwaasi oo daacad u ahaa Axmed Madoobe ayaa maanta ku biiray maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ay geysay magaalada Raaskambooni ee Jubbada Hoose.
Ciidankan oo magaalada Kismaayo looga soo qaaday Doono si ay ula dagaalamaan maleeshiyaadka Gurguurte uu keenay Raaskambooni, ayaa sheegay inay kasoo baxeen safkii ay ka tirsanaayeen ee Axmed Madoobe, ayna ku biireen maleeshiyaadka Riddada ee Muqdisho laga keenay.
Arrintaan ayaa imaanaysa xili magaalada Raaskambooni ay isku horfadhiyaan maleeshiyada labada dhinac, iyadoo la filan karo dagaal halkaasi ku dhexmara maleeshiyaadka ridada ee Axmed Madoobe iyo kuwa Xasan Gurguurte.