Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay toogasho hubeysan oo ka dhacday meel mashquul badan oo kutaal gudaha dalka Maraykanka, sida uu xaqiijiyay booliska magaalada Memphis ee dhacda gobolka Tennessee ee carriga Maraykanka.
Masuuliyiin Ameerikaan ah ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in weerarkan toogasho oo lagu lagu beegsaday goob ay ka socotay xaflad ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo ay joogeen dad u dhaxeeya 200 ilaa 3000 oo qof uu sababay dhimashada ugu yaraan laba xubnood, kuwaas oo goobta ku dhintay, halka 6 kalena ay dhaawacyo kala duwan sook gaareen.
Saraakiisha ciidanka booliisku waxay xaqiijiyeen in dhaawaca mid ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarkaaasi uu yahay mid halis ah, kaas oo imika xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayo cisbitaal kuyaal magaalada Memphis oo ah tan toogashada marti gelisay.
Shabakadda CBS News ayaa soo xigatay taliyaha booliiska Memphis, ninka lagu magacaabo Cyrlyn Davis, kaas oo u sheegay in boolisku baadi goobayaan ugu yaraan 2 qof oo looga shakisan yahay in ay mas’uul ka ahaayeen dhacdada toogashada ah.