Ugu yaraan 28 qof oo Kenyaati ah ayaa xaqiijiyay inay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen shil culus oo laga soo tabiyay deegaan dhaca waddanka Kenya, xilli dalkan ay kusii badanayaan shilalka gaadiidka.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa soo sheegay in shilka uu ka dambeeyay ka gadaal markii ay isku dhaceen, gaari nooca kuwa xamuulka qaada ah iyo gaadiidka Kenya looga yaqaan Mataatuuda, shilkan ayaana si gaar ah kaga dhacay buundada wayn ee xiriirisa magaalooyinka Nukuru iyo Eldoret.
Taliska ciidanka booliska xukuumadda saliibiyada Kenya ee magaalada Nakuru ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in shilka oo ahaa mid culus uu gallaaftay nolasha 8 qof oo Kenyaati ah, halka sidoo kale ay dhaawacmeen 20 kale.
Dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay ayaa lasoo wariyay in dhamaantood la dhigay cisbitaalka wayn ee magaalada Nukuru, si wax looga qabto xaaladdooda caafimaad, saraakiisha Booliska ayaana dhaawacyada 20-ka qof ku sheegay kuwa aad u liita.