Waaxda Socdaalka Dibada ee Dowlada Mareykanka ayaa markale soo saartay digniino loojeedinayo Dadka American-ka kuwaasi oo ku aadan khataro ay kala kulmi karaan hadii ay usafraan dalal ku yaala Qaarada Africa.
Warbixinta cusub ee kasoo baxday Mareykanka ayaa lagu sheegay in halis badan ay kajirto (16) Lix Iyo Toban Dal oo Caalamka ku yaala sigaar ah waxaa loo Calaamadeeyay Lix Wadan oo ka tirsan Qaaradda Africa kuwas oo ay ka mid yihiin Liibiya, Suudaan, Maali, Suudaanta Konfureed, Afrikada Dhexe iyo Dalka Somalia.
Digniinta kasoo baxday Waaxda Arimaha Dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in Muwaadiinta heysta dhalashada Mareykanka ay la kulmi karaan weeraro kadhaca deegaanada ay kusugan yihiin ama goobaha Dalxiiska, Sidoo kale waxey xustay iney suura gal tahay in Afduub loogeysto.