Ciidamada maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa maanta oo Talaado ah markale ku kacay xasuuq daran oo ka dhan ah dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan marinka Gaza, gaar ahaan waqooyiga marinkaasi.
Ilo wareedyo ku sugan Gaza ayaa soo sheegay in ciidamada gumeystaha ay maanta xasuuq cusub ka gaysteen dhisme kuyaal Bayt Lahiya oo dhacda waqooyiga Marinka Gaza.
Agaasimaha warfaafinta ee Gaza ayaa warbaahinta maxalliga ah u xaqiijiyay in 93 qof oo falastiiniyiin ah ay shahiideen, ku dhawaad 40 kalena lagu waayay nolol iyo geeri kaddib markii Yahuuddu dadkaasi rayidka ah ku duqeysay guri 5 dabaq ah oo ay degan yihiin hal qoys, kaasi oo kuyaal mashruuca Bayt Lahiya ee dhaca waqooyiga Marinka Gaza.
Ragga sida firfircoon usoo tabiya dhacdooyinka Gaza, waxay soo sheegeen in dadka ku shahiiday duqaynta cadowtooyo ee Yahuudda ay ku jiraan ugu yaraan 25 caruur ah, waana mid ka mid ah xasuuqyada maalmahan dhow laga diiwaan geliyay qaybo ka mid ah marinka Gaza.