Waxaa sii kordheysa khasaaraha dowlada federaalka lagu gaarsiiyay camaliyad istish-haadiyo ah oo xalay lagu weeraray saldhiga booliska degmada waabari ee magaaladan muqdisho.
Halyeey ka tirsan katiibada istish-haadiyiinta ee xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa camaliyad istish-haadiya ah ku galay saldhiga xilli gudaha saldhigaas ay ku sugnaayeen saraakiil iyo askar badan oo kooxda ridada ah.
War rasmi ah oo kasoo baxay Mujaahidiinta ayaa lagu xaqiijiyay in camaliyadda lagu dilay 12 isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan ridada laguna dhaawacay 15-kale.
Saraakiisha camaliyaddan barakeysan lagu dilay waxaa ka mid ah
1- Taliyihii saldhiga degmada Waabari Gaashaanle Axmed C/Laahi Baashane oo ku magac dheeraa calooley.
2-Gaashaanle dhexe Cabdi Baasid Maxamed Taliye ku xigeenkii booliska qeybta Waliyow-Cade .
Saraakiisha camaliyaddan istish-haadiyada ah ku dhaawacantay waxaa ka mid ah murtad axmed waaweyne oo ah taliye ku xigeenka booliska qeybta guud ee gobalka banaadir kaasi oo la xaqiijiyay inuu dhaawiciisa culusyahay.
Gaari cabdi bile ah oo xilliga camaliyadda goobta yaalay ayaa gabi ahaan halkaas ku burburay.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.