Kumanaan ruux oo isuga jira qeybaha kala duwan ee bulshada muslimiinta ah ayaa saaka salaadda Ciidul fitriga 1442-da hijriyada waxay ku tukteen musallaha Sayid Muxamad Cabdulle Xasan ee deegaanka Kuunya Barrow wilaayada Shabeellaha Hoose.
Waa ciiddii ugu dadka badneyd marka laga hadlayo musallaha salaadda ee deegaanka Kuunya Barrow, waxaana ugu wacan iyadoo ay jiraan boqollaal ruux oo ka yimid magaalooyin kale, doonayana in maalinta ciidda ay ku qaataan wilaayaadka islaamiga ah.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Ciida Ee Kuunya Barow.