Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo maalintii shalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobalka Mandheere oo ka tirsan dhulka NFD ee kenya xooga ku heysata.
Weerarka oo isugu jira kamiin iyo qarax waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Taagaabo iyo baanisa ee gobalka Mandheere, Waxaana lala beegsaday kolanyo saliibiyiinta Kenya ah.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerarkaas ku dileen (13) Saddex iyo toban isugu jirta saraakiil iyo askar kenyaati ah kuwaasi oo ay dul istaageen baqtiyadooda.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxey howlgalkaas ku gubeen gaari kooyal ah oo ay qarax la beegsadeen mid kalane waxyeela xoogan ayey gaarsiiyeen.
Dowladda Saliibiyadda Kenya oo ka hadashay weerarkan waxey qiratay in saddex sarkaal looga dilay saddex kalane looga dhaawacay, Waxa uuna weerarkaan kusoo aadayaa xilli dhawaan 22 askari saliibiyiinta kenya looga dilay weerar mujaahidiintu ka fuliyeen deegaan ka tirsan jaziirada Lamu ee dalka Kenya.
Calamada.com