Maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa ballan qaaday inuu soo gudbin doono fariin muhiim ah oo ku socota madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo xukuumadiisa.
War Saxaafadeedkan oo ahaa mid kooban oo ku qoran luuqada Englishka ayaa lagu sheegay in fariintu tahay mid muhiim ah oo ku wajahaya Uhuru Kenyatta iyo shacabkiisa iyo xukuumadiisa, islamarkaana goordhow la baahin doono.