Munaasabad ballaaran oo ka dhacday degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe ayaa lagusoo bandhigay banhajka dugsiga dhexe oo uu diyaariyay maktabka tarbiyada iyo Tacliinta sare ee Xarakada Al Shabaab.
Xafladdii lagusoo bandhigayay Manhajkan waxaa ku sugnaa bahda waxbarashada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada waxayna wax lagu farxo ku tilmaameen soo diyaarinta marxaladda dugsiga dhexe.
Mas’uuliyiin katirsan XSHM oo munaasabaddii bandhigga ka hadlay ayaa sheegay in waxbarashadu ay kamid tahay meelaha loogasoo duulay umadda muslimka ah sidaas daraadeed ay go’aansadeen in ay ubadka soo koraya udiyaariyaan manhaj sare uqaadaya aqoontooda diimeed iyo midda maaddiga intaba.
Hay’adda UNESCO ee taabacsan Q.Midoobay ayaa gacanta ku haysa manaahijta waxbarashada Soomaaliya iyadoo si aad ah ula dagaallanta taariikhda soo jireenka ah ee umadda.
Al Shabaab ayaa sanaddii 2017 soo bandhigay manhajka dugsiga hoose waxaana lafilayaa in uu maktabka tarbiyada iyo tacliinta uu soo saaro manhajka dugsiga sare.
Maashaalaah mujaahidiinteena hawsha wanaagsani aad u haysaan bulshada muslimiinta qaybedeeda kaladuwan Allah haidiinka ajarsiiyo acmaashiina Allah haidiin ka aqbalo
Buugaagta taariikhda pdf ahaan ma u heli karaa