Waxaa sii kordhaya khasaaraha maamul gobaleedka isku magacaabay galmudug lagu gaarsiiyay weerarkii cag marinta ahaa ee saaka aroortii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen deegaanka Camaara ee wilaayada Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Weerarka oo ku bilaawday weerar naf hurnimo oo uu fuliyay dagaalyahan kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay waxaana xigay weerar toos ah oo ciidamo hubaysan ay ku qaadeen saldhigyo ciidan.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkii Camaara ay ku qabsadeen 15 gaari oo 12 kamida ah yihiin Tikniko halka 2da kale ay yihiin BG xamuul ah iyo booyad, sidoo kale dhimashada ciidamada Galmudug ee dagaalkii maanta ayaa gaartay 31 isugu jirta saraakiil iyo askar murtadiin ah.
Halkan Ka Dhageyso Xog Dheeraad Ah Oo Ku Aadan Weerarka Camaara.