Waxaa isi soo taraya khasaaraha maleeshiyaadka dowladda Ridada lagu gaarsiiyay dagaalkii cag-marinta ahaa ee ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga murtadiinta ee deegaanka Camaara ee wilaayada Mudug.
Dagaalka oo ahaa mid ku billowday camaliyad Istish-haadi ah waxay Mujaaiidintu cagta ku mariyeen guud ahaan saldhiggii maleeshiyaadka dowladda Ridada ee deegaanka Camaara, camaliyadda oo uu fuliyay halyey ka tirsanaa guutada Istish-haadiyiinta Mujaahidiinta waxay galaafatay askar badan oo ku sugnaa aagga saldhigga waxaana camaliyadda ka dib u daatay ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan shabaabul Mujaahidiin kuwaas oo cagta mariyay haraadigii maleeshiyaadka ee ka badbaaday weerarka Istish-haadiga ah.
Wararkii ugu dambeeyay waxay xaqiijiyeen in askarta la dilay ay gaareen 35 askari oo ay ku jiraan saraakiil sare oo uu ka mid ahaa Gaashaanle Badmaceeye oo ahaa ku xigeenka Saadaq Joon iyo sarkaal kale oo isna lagu magacaabo Dhagaweel iyo sarkaal saddexaad oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamada Gorgor lama helin magaca sarkaalka saddexaad.
Gaadiid fara badan oo cadadkoodu dhan yahay 18 gaari ayaa ka mid ahaa natiijada howlgalkii aadka u xoogganaa ee ciidamada shabaabul Mujaahidiin shalay cagta ku mariyeen saldhigga ciidamada dowladda ee degaanka Camaara kuwaas oo dhammaantood kusoo dhacay gacanta ciidamada shabaabul Mujaahidiin 5 ka mid ah gaadiidka lasoo qaniimeystay waxaa lahaa Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ah madaxa maamul goboleedka isku magacaabay Galmudug.
Halkan Ka Dhagayso Macluumaadka Howlgalkaas iyo Gurmadyo La Qarxiyay.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com