Xubno ka tirsan dowladda federaalka ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay howlgallo kala duwan oo ciidamada gaarka ah ee shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen degmooyin ka tirsan wilaayaadka Gedo iyo Sh/hoose.
Howgalka koowaad waxay ciidamada gaarka ah ee Mujaahidiintu saaka ka fuliyeen gudaha degmada Baardheere ee wilaayada Gedo waxayna goobta ku dileen askari murtad ah oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada.
Askari lagu khaarajiyay degmada Baardheere waxaa lagu magacaabi jiray Haaruun wuxuuna ka mid ahaa ciidamada Soomaalida ee gabbaadka u ah xabashida Itoobiya ee duullaan gaaleedka ku joogta wilaayada Gedo gaar ahaan degmada Baardheere.
Howlgalka labaad waxay ciidamada shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen degmada Afgooye oo ka mid ah degmooyinka Sh/hoose waxaana howlgalkaasi gaarka ah lagu dilay xubin ka tirsanaa jawaasiista dharcadda dowladda Ridada federaalka.
Faarax Cabdullaahi Bushow oo ah askariga dharcadda ee ay Mujaahidiintu ku khaarajiyeen gudaha degmada Afgooye, wuxuu caan ku ahaa beegsiga dadka muslimiinta ah gaar ahaan kuwooda ay ka muuqato shacaa’irta islaamka, balse ugu dambayn wuxuu ku baxay gacanta ciidamada shabaabul Mujaahidiin.
Howlgalladan waxay qayb ka yihiin beegsiga gaarka ah ee lagu hayo maleeshiyaadka iyo saraakiisha dowladda federaalka kuwaas oo diinta iyo dalkaba kusoo hoggaamiyay gaalada isugu jira madowga iyo caddaanka waxayna howlgalladan kusoo beegmayaan xilli saacadihii lasoo dhaafay Mujaahidiintu gudaha magaalada Muqdisho ku dileen askari murtad ah oo si gaar ah uga howlgali xabsiga sumcad xumada ku caan baxay ee Godka jilicow kaas oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Axmed Aadam Yariisow.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com