Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo si heer sare ah loo agaasimay ka fuliyeen qaybo ka mid ah deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan waxay Mujaahidiintu ku beegsadeen guri ay isku uruusanayeen maleeshiyaadka dowladda federaalka oo kuyaal deegaanka Daarussalaam, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Mujaahidiinta iyo ciidmada dowaldda.
Macluumaadkii ugu dambeeyay waxay xaqiijinayaan in weerarkaas oo u dhacay sidii loo agaasimay waxayna ciidamada Mujaahidiintu weerarkaasi ku dileen hal askari oo murtad ah, halka sidoo kalena lagu dhaawacay 3 kale.
Ilo wareedyadu waxay intaasi ku darayaan in Mujaahidiintu ay howlgalkan qorsheysan kusoo furteen gaadhi nooca raaxada ah oo guriga uu dagaalku ka dhacay kaga carareen maleeshiyaadka dowladda iyo qori iyo 2 boosh oo maleeshiyaadka dowladda looga soo furtay dagaalka.
Howlgalkan fariidka ah ee ka dhacay Daarusalaam waxa uu kusoo beegmay xilli ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen deegaanka Mareerey ee duleedka degmada Afgooye la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah waxaana inta la xaqiijiyay weerarkaas dhaawac halis ah ku noqday hal askari oo ka tirsan ciidamada dowaldda.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com