Ciidamada shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala dhulka buuralayda ah ee silsiladda Goolis waxay saacadihii lasoo dhaafay weeraro isugu jira dagaallo toos ah iyo mid qarax ah la beegsadeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.
Weerarka koowaad oo ahaa qarax waxay Mujaahidiintu la beegsadeen kolonyo ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan maamulka Puntland oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deegaamada Balli-khadar iyo Sugurre ee dhaca duleedka magaalada Boosaaso.
Ilo xog-ogal ah waxay xaqiijiyeen in qaraxaas lagu gubay hal gaadhi oo ah nooca ay Soomaalidu u taqaan Cabdibilaha kaas oo ay la socdeen maleeshiyaadka maamul goboleedyada ashahaada la dirirka Puntland.
Qaraxa ka dib waxay ciidamada Mujaahidiintu weerar jidgal ah u dhigeen maleeshiyaadka maamulka Siciid Deni kammiinka ayaana ka dhacay isla goobtii uu qaraxu ka dhacay halkaas oo khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed ba lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda.
Inta la ogyahay waxaa weerarkan kammiinka ah ku dhintay hal askari oo murtad ah kana mid ahaa maleeshiyada maamulka Puntland halka sidoo kale weerarka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com