Ciidamo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo maleeshiyaad ka tirsan dowladda federaalka ah waxay maanta dhowr jeer ku dagaallaeen deegaan ka tirsan wilaayada Sh/hoose. ka dib markii ciidamada kooxda Farmaajo ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen duleedka degmada Awdheegle.
Iska hor’imaadyadu waxay ka dambeeyeen ka dib markii maleeshiyaad ka tirsan kuwa loogu yeero Gorgor ay kasoo baxeen degmada Owdheegle ayna isku day dhaqdhaqaaqyo ciidan ah ka wadeen duleedka degmada balse waxaa si adag kaga hor tagay oo iska difaacay ciidamada shabaabul Mujaahidiin.
Ilo xog-ogaal ah waxay sheegayaan in ciidamada dowladda federaalka ah ee kasoo baxay Owdheegle ay la kulmeen illaa 3 weerar oo jidgal ah oo kaga yimid dhanka ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab waxaana iska hor’imaadyadaas ka dhashay khasaare lixaad leh oo soo gaaray ciidamada dowladda.
Maleeshiyaadka loogu yeero Gorgor oo ah maleeshiyaad ay soo carbisay dowladda cadowga ah ee Turkiga waxay maanta dagaalyahannada shabaabul Mujaahidiin kala kulmeen dharbaaxo wayn ka dib weeraradii qaraaraa ee ku qabsaday duleedka degmada Owdheegle.
Ilo masuul ah waxay xaqiiiyeen in maleeshiyaadka dowladda dagaallada looga dilay ugu yaraan 2 askari oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenkii ururka 3-aad ciidanka gorgor oo lagu magacaabi jiray Xassan Dheere iyo dhaawaca kale oo murtad ah.
Macluumaadkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in dagaallada lagu jabiyay ciidamada dowladda iyagoo jab iyo khasaare culus dhabarka ku sita ay dib ugu laabteen degmada Owdheegle oo markii hore ay kasoo duullaan tageen waxaana goobihii lagu dagaallamay ku sugan ciidamada shabaabul Mujaahidiin.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com