Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qarax ajaanib lagula beegsaday meel u dhow xarunta maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Gaari ay la socdeen saraakiil ajaanib ah oo qeyb ka ah shisheeyaha dalka kusoo duulay ayuu qaraxa haleelay, Waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay magaaladan muqdisho.
Inta la xaqiijiyay shan xubnood oo ajaanib ah ayaa qaraxa ku dhaawacmay iyadoo gabi ahaan gaarigii ay la socdeen uu burburay.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayey ku sheegatay mas’uuliyidda qaraxa lala beegsaday ajaanibta ee ka dhacay gudaha magaaladan muqdisho.
Muuse Malaay,
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.