Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degmada yaaqshiid gaar ahaan agagaarka isgoyska miizaanka dhuxusha ee xaafada towfiiq waxey ku dileen xubin ka tirsanaa dowlada federaalka.
Cusmaan dheere oo ah sarkaalka ay dileen mujaahidiinta waxa uu sigaar ah kaga howlgalayay xabsiga dhexe ee xamar oo ah goob si aad ah dadka muslimiinta loogu dhibaateeyo.
Dilka sarkaalkan murtad ah waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul mujaahidiin agagaarka isgoyska Black-Sea ee degmada hodan ku dileen askari ka tirsanaa ridada kaasi oo lagu magacaabi jiray farxaan.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey sii kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah shisheeyaha iyo murtadiinta kabo qaadka u ah ee ay ka fulinayaan gudaha magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.