Wararka ka imaanaya Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan maanta lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamada Burundi xilli uu ku socdaalayey duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Gaarigan oo noociisu ahaa Taw ayaa gabi ahaanba basbeelay, waxaana halkaas baqti iyo dhaawac ku noqday askartii saarneyd.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxan, waxaana ay sheegtay in lagu dilay ugu yaraan lix askari oo Burundi ah, halka lagu dhaawacay saddex kale.
Sarkaal gaashaanle ah oo ka tirsanaa ciidamada Burundi ayaa ka mid ahaa xubnaha lagu dilay qaraxa, Maalmo ka hor ayey aheed markii qarax ka dhacay deegaanka Buurane ee hoostaga degmada Mahadaay ee shabeelada dhexe lagu dilay 2 askari oo burundeys ah.