Bayaan kasoo baxay Maktabka Qadaha Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Maalinta Berri oo Sabti ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii bilashada Ramadaan cawada laga arkay qaybo kamid ah Wilaayaatka Islaamiga.
Maktabka Qadaha Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 7 ruux muslimiin ah oo ku dhaqan tuulada geela gub oo hoostaga degmada towfiiq ee WI Shabeelada dhexe ay sheegeen inay arkeen dhalashada bisha Ramadaan, isla markaana Maktabku uu xaqiijiyay in marqaatiga dadkaas Muslimiinta ah ay tahay mid lagu kalsoonaan karo, sidaas daraadeedna dhamaan dadka Muslimiinta ah lagu wargelinayo in ay dhalatay bishii Khayrka badneed ee Ramadaan
Calamada.com