Maxkamada sare ee imaarada islaamiga Afghanistan ayaa dhankeeda shaacisay in ay bilatay bisha barakeysan ee ramadaan islamarkaana bisha laga arday deegaano badan oo ka tirsan dalka Afghanistan.
Wilaayaatka Qandahaar,gazni,baktiya,farah iyo nangahaar ayaa laga arkay bisha barakeysan ee ramadaan, Waxeyna Maxkamada sare ee imaarada dadka muslimiinta u iclaamisay in bari oo sabti ah ay tahay kowda bisha barakeysan ee ramadaan.
Inta badan dalalka islaamka ee caalamka ayaa laga iclaamiyay in bari tahay kowda bisha barakeysan ee ramadaan.
Calamada.com