Jugta qaraxyo dhowr ah ayaa goordhow laga maqlay dhanka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ka dhacayso munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaanada baarlamaanka cusub.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa madaafiic ku weeraray Teendhada Afisyooni ee kaabiga ku haysa xerada Xalane, ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay gudaha teendhada ku hoobteen balse lama oga khasaaraha ka dhashay.
Goob joogayaal ku sugan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay maqleen jugta dhowr qarax oo ka dhashay madaafiicda lagu weeraray Afisyooni halkaas oo lafilayo in lagu dhaariyo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Ridada.