Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen saldhiga askarta burundi ee deegaanka Haan-sheekh ee duleedka degmada Balcad ee wilaayada shabeelada dhexe.
Dagaalka oo ahaa mid culus waxaa uu sababay khasaara nafeet oo soo gaartay askarta kufaarta burundi.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaas lagu dilay labo askari oo Burundeys ah oo qeyb ka ahaa askarta ku sugan xerada kufaarta ee deegaanka Haansheekh.
Dhanka kale kolanyo askarta burundi ah waxaa shalay qarax lagula beegsaday wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, Waxaa qaraxaas ku baqtiyay hal askari oo burundeys ah.
Dagaalka iyo qarax lagu dilay askarta burundeyska ah waxa uu kusoo aadayaa xilli qarax ka dhacay agagaarka deegaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho lala beegsaday kolanyo kufaarta afrikaanta ah.
Waxaa qaraxa deegaanka Tareedisho ku dhintay hal askari oo kufaarta ah mid kale waa ku dhaawacmay hal gaarine waa ku burburay.
Calamada.com